Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya weerar ka dhacay magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin gudaha magaalada Beledweyne.

Weerarka oo ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa lala beegsaday saldhigga ciidamada Jabuuti oo ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.

Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay hoobiyeyaashaasi oo tiradooda lagu sheegay illaa lix, kuwaas oo ku dhacay gudaha xerada ciidamada AMISOM.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Jabuuti ay dhankooda ku jawaabeen madaafiic, balse ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay.

Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona ciidamada ammaanka ay howl-gallo ka bilaabeen xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this