Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar madaafiic ah oo xalay lagu qaaday saldhigga AMISOM ee Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo xalay saq dhexe lagu qaaday saldhiga ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Weerarka ayaa lala beegsaday xero ciidamadaasi ay ku leeyihiin xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.

Ugu yaraan illaa lix hoobiye ayaa lagu soo warramayaa inay lagu garaacay saldhigga AMISOM, balse lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamada Jabuuti ay dhankooda ku jawaabeen tiro madaafiic ah, kuwaas oo ku hoobtay duleedka Beledweyne.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada iyo saraakiisha AMISOM oo ku aadan weerarkaasi.

Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay agagaarka magaalada Beledweyne ee xarunta Hiiraan.

Dhowaan ayey aheyd markii sidan oo kale ay weerar madaafiic dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Jabuuti ee ku yaalla halkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this