Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Mootooyinka laga dhaco Muqdisho oo laga iibiyo kooxda Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in la qabtay dhowr Mooto oo laga dhacay Muqdisho, kuwaas oo loo waday degaano ay maamulaan Al-Shabaab.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in koox isku xiran ay dhaca ka geystaan Muqdisho islamarkaana ay beegsadaan Mootada nuuca loo yaqaano Feykoon kadibna ay u iib geeyaan degaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Maalmo ka hor ayaa Isgoyska Fagax lagu qabtay Mootooyin la dhacay oo ku rarnaa gaari xamuul ah oo ku sii jeeday Shabeellada Dhexe. Xog uu helay qof kamid ah dadka laga dhacay Mootooyinkan ayaa lagu qabtay Mootooyinka kadib markii uu la tagay ciidamo boolis ah.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in la sii daayay dhamaan dadkii ku lug lahaa rarida iyo isku xirka kooxihii ku howlanaa in gaadiidkaan damacsanaa in laga bixiyo Muqdisho.

Ilo wareedyo kuwa amaanka ah ayaa noo sheegay in Al-Shabaab ay xiriir toos ah laleeyihiin kooxaha dhaca ka geesta Muqdisho qaarkood islamarkaana loo dhiibo Mootooyinka yar yarka ah.

Al-Shabaab ayaa aad u daneynaya Mootooyinkaan oo ah nuuc aad u dheereeya islamarkaana ay ku qabsan karaan howlo badan. Maalmihii la soo dhaafay ayaa Muqdisho waxaa ka taagan dhaca gaadiidka iyo dadweynaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this