Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Ka Hadlay Kufsi Ka Dhacay Xarunta Agoomaha Hargaysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa  dhaliilay qaabkii loo buun-buuniyay dhacdadii gabadh yar oo la sheegay in lagu kufsaday xarunta caruurta aan waalidka lahayn ee magaaladda Hargaysa.

Waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay in xisbiyadda mucaaradka, dad qurbe joog ah  iyo dad kaloo siyaasiyiin ah ay six un uga hadleen dhacdadii gabadh yar oo la sheegay in lagu kufsaday xarunta caruurta aan waalidka lahayn ee magaaladda Hargaysa.

Wasiirka waxbarashadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Axmed-toorno), oo maanta warbaahinta la hadlay isagoo ku suagn magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, oo uu hawlo shaqo u joogo.

Waxaanu wasiir Toorno,  uga digay  xisbiyadda mucaaradka in ay ilaaliyaan qaran-nimadda iyo sumcadda xarunta agoomaha.

Daawo: Wasiir Toorno Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this