Sign in to follow this  
Deeq A.

Filish “Golaha Shacabka tallaabo geesinimo leh ayey qaadeen”

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa Khubad ka jeediyay Taallada Daljirka Daahsoon oo ah halka uu ka dhacay Banaanbax lagu taageerayey ansixinta matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Cumar Filish oo la hadlaayay boqolaal Dad ah oo isugu soo baxay fagaaraha Daljirka Daahsoon ayaa waxaa uu sheegay inuu soo dhaweynayo go’aankii ay Xildhibaanada Golaha Shacabka matalaadda ku siiyeen gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Muqdisho ay tahay caasimadda Soomaaliya, ayna muhiim tahay in Aqalka Sare Kuraas laga siiyo, isagoo xusay in tallaaba geesinimo leh ay qaadeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

“Magaalada Muqdisho waa Hooyada Magaalooyinka Soomaaliya oo dhan, waa Magaalada Dadka Soomaaliyeed oo dhan, waana Hooyada Calanka Soomaaliyeed waa meesha kaliya ee shanta Soomaaliyeed aysan ku dareemin in laga leeyahay oo ay ku dareemaan inay iyagu leeyihiin taas ayaa mudan in lagu qiimeeyo Muqdisho” ayuu yiri Cumar Filish.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-Dibad Dibadbax Filish 105990720_2614105145494895_4610281776251522595_n 106200818_2614105505494859_2326792273150989098_n 106245477_2614105258828217_4943370611959683471_n 106456576_2614105305494879_6164573736702355693_n 106507596_2614104738828269_6998632477570249963_n Banaanbax

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this