Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Filish “Muqdisho waa meesha kaliya ee shanta Soomaali aysan ku dareemin in laga leeyahay” + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish oo boqolaal dibad-baxayaal ah kula hadlayey taalada caanka ah ee Daljirka Daahsoon ayaa u mahadceliyey xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo sheegay inuu soo dhwaweynayo xaqsiinta gobolka Banaadir oo Aqalka Sare ku yeelan doono 13 xubnood.

Cumar Filish ayaa tilmaamay in Muqdisho ay tahay hooyada magaalooyinka Soomaaliya, islamarkaana ay tahay meesha kaliya ee shanta Soomaaliyeed ku dareemin in laga leeyahay.

Sidoo kale wuuxuu intaasi ku daray in Muqdisho aysan noqon doonin H ooyo ilmaheeda ku caasisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Muqdisho waa hooyada magaalooyinka Soomaaliya oo dhan, waa hooyada calanka hortiina ka bananaya ee tilmaamaha shanta bixinaya hooyadood waa meesha kaliya ee dadka ku abtirsan shanta Soomaali aysan dareemin in laga leeyahay, lahaansho meesha ay joogaan ha joogeen waa meel ay ayagu leeyihiin inay joogaan, taas ayaa ah mida mudan in lagu qiimeeyo magaalada Muqdisho. ”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Ugu dambeyn go’aankii baarlamaanka ayuu ku tilmaamay mid taariikhi ah, kaas oo uu sheegay inuu ka dhashay codsigii madaxweyne ee Farmaajo ee mataaladda G/Banaadir.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Somalia ayaa shalay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyey xeerka matalaadda gobolka Banaadir, kaas oo Aqalka Sare ku yeelanayo 13 kursi.

Dibadbax.jpg 106507596_2614104738828269_6998632477570 106456576_2614105305494879_6164573736702 106359145_2614104562161620_2467425117826 73015914_2614104265494983_12506681294859 73404031_2614104438828299_23022570991575 74342943_2614104348828308_35846295811702 82544843_2614105195494890_29092210090784 U-soo-guura-Waabari.jpgDibadbax-1.jpg FILISH.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this