Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka Oo Beeniyay Eedeyn Kulul Uu U Jeediyay Mareykanku

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moscow)-Ruushka ayaa eedaymo uu Mareykanka u soo jeediyey ee ku saabsan inuu howlgeliyey maleeshiyaad xidhiidh la leh Taalibaan oo laaya ciidamada Mareykanka iyo kuwa Nato ee Afghanistaan ku sugan, ku tilmaantay mid aan sal iyo baar toona lahayn.

Wargeysyada New York Times iyo Washington Post ayaa daabacay warbixinno ay ku sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dalka Mareykanka iney shegeen unugyo ka titsan sirdoonka millatariga Ruushka xidhiidh la leh iney sanadki hore ay isku dayayeen iney Yurub ka fuliyaan dilal qorsheysan.

Safaaradda Ruushka uu ku leeyahay dalka Mareykanka ayaa sheegtay eeddaasi iney waxyeelleyso xidhiidhka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Ururka Taalibaan wuxuu sida oo kale uu beeniyey heshiis noocaasi inuu la galay sirdoonka dalka Ruushka.

Warbixintan ayaa imaneysa xilli uu Mareykanka uu doonayo inuu heshiis nabadeed uu ku soo afjaro dagaalka 19-ka sano ka socday dalka Afghanistaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this