Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibad-bax lagu taageerayo go’aankii BF Soomaaliya oo ka socda magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dibad-bax ballaaran oo lagu taageerayo go’aankii baarlamaanka Soomaaliya ee matalaadda gobolka Banaadir ayaa ka socda Muqdisho.

Dibad-baxan oo uu soo abaabulay maamulka gobolka Banaadira ayaa haatan ka bilowday taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.

Boqolaal dadweyne ah oo isaga kala yimid 17-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa ku sugan halkaasi.

Sidoo kale waxaa banaan-baxan qeyb ka ah koox fanaaniin ah oo heeso madadaallo ah ka qaadayo goobta uu ka socda dibad-baxa.

Waxaa sidoo kale la filayaa in saacadaha soo socda ay halkaasi tagaan mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir oo lagu wado inay la hadlaan dibad-baxayaasha.

Shalay ayey aheyd markii xildhibaanada Golaha Shacabka ay ansixiyeen xeerka matalaadda gobolka Banaadir oo Aqalka Sare ku yeelan doono illaa 13 xubnood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this