Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Danab oo howl-gallo kula wareegay deegaano hor leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo qorsheysan oo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose.

Howl-gallada oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa waxaa laga sameeyey deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay la wareegeen saacadihii la soo dhaafay, deegaanada, Janaay Cabdale, Helishiid, Mayonde iyo Garasceebe ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay si wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda, kuna wajahan yihiin deegaanada kale ee ka maqan dowladda.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howl-gallo milatari ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this