Sign in to follow this  
Deeq A.

Bannaan-baxyo lagu taageerayo Matalaadda Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa saaka oo Axad ah Magaalada Muqdisho ka socda Bannaan-baxyo lagu taageerayo go’aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka ay shalay ku ansixiyeen Xeerka Mataalada uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Aqalka Sare.

Qaar kamid ah dadweynaha Muqdisho oo sida la sheegay dowladdu soo abaabushay ayaa Banaanbaxyo ka dhigaya Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.

Dadweynaha Bannaan-baxyada dhigaya waxay u badan yihiin Haween iyo Dhalinyaro laga soo abaabulay degmooyinka Muqdisho si ay taageero ugu muujiyaan Matalaadda Gobolka Banaadir ee Golaha Shacabku ansixiyeen.

Golaha Shacabka ayaa Sabtidii Shalay ansixiyay in Gobolka Banaadir Aqalka Sare laga siiyo 13 Xubnood si Gobolkaasi Aqalka uga helo Matalaad dhab ah waxaase weli su’aali ka taagantahay sida loo qaybin doono Xubnahaas.

PUNTLAND POST

The post Bannaan-baxyo lagu taageerayo Matalaadda Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this