Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsato Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geystay K/Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxa ay dil iyo dhaawac u geysteen laba ruux oo Soomaali ah, kuwaas oo ka mid ahaa ganacsatada ku sugan gudaha dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka koowaad uu ka dhacay magaalada East london, kaas oo lagu dilay ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray, Daahir Carte.

Marxuumka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu dhex-dilay goobtiisa shaqada, iyadoona ay baxsadeen raggii ka dambeeyey falkaasi.

Dhinaca kale kooxo burcad ah ayaa deegaanka Devitown ee magaalada Johannesburg  waxaa ay ku dhaawaceen muwaadin kale oo lagu magacaabo, Cumar Axmed Dhiblaawe.

Ragga falkaasi dhaawaca ah geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana meesha ay ka dhaceen dhacdooyinkaasi gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee dalka Koonfur Afrika.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa sii kordhayey dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee Soomaalida loogu geystay gudaha wadankaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this