Deeq A. Posted June 28, 2020 Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka u tababaran Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi. Ciidamada ayaa howlgalkaasi kula wareegay deegaanada kala ah, Janaay Cabdale, Helishiid, Mayonde iyo Garasceebe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo ah taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ayaa sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan, islamarkaana ay ku gaari doonaan deegaanada kale ee ka maqan dowladda. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites