Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxgaradka Dhuusamareeb oo diray baaq nabadeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Nabadoon Cabdulaahi Xasan Maxamed oo ka mid ah waxgaradka ku nool magaalada Dhuusamareeb oo la hadlay Shabelle ayaa baaq nabadeed u diray maleeshiyaadka ku dagaalamaya deegaanada Xananbuure iyo Qalanqalle ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Dagaalladan oo ah kuwa soo noq-noqday ayuu sheegay in loo baahan yahay in xal-waara laga gaaro, si looga baaqsado in dhiig uu markale ku daato halkaasi.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday madaxda sare ee Galmudug inay si deg-deg ah ugu baxaan dagaalladaasi, islamarkaana ay kala qaadaan maleeshiyaadka weli is-horfadhiya.

Labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa dagaallo dhaliyey khasaare badan ay ka dhaceen waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this