Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha mucaaradka Malawi oo ku guulaystay doorasho ka dhacday dalkaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Malawi Lazarus Chakwera ayaa ku guuleystay doorasho ku celis ahayd oo ka dhacday dalkaas

Doorashada ayuu uga guuleystay madaxweynaha haya talada dalkaas Peter Mutharika, iyadoona codadka la tiriyay 58.57% uu uga hormaray. Sidaasi waxaa ku dhawaaqay guddiga madax banaan ee doorashooyinka Qaranka Malawi.

Bishi Febaraayo Maxakamadda dastuuriga ee dalka Malawi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay guul uu madaxweynaha wadankaasi ka gaaray doorasho dhacday bishii May 2019-kii iyadoo amartay in lagu celiyo doorashada.

Dalka Malawi ayaa noqonaya wadankii labaad oo Afrikaan ah oo doorashadiisa lagu celiyo marka laga tago Kenya oo ay sidan oo kale ka dhacday sanadkii 2017-kii.

PUNTLAND POST

The post Hoggaamiyaha mucaaradka Malawi oo ku guulaystay doorasho ka dhacday dalkaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this