Deeq A. Posted June 28, 2020 Ganacsade Soomaaliyeed, ayaa xalay lagu dilay Magaalada East london ee Gobolka Eastern Cape ee Koonfur Afrika, kadib markii ay toogteen koox hubaysan oo Burcad Koonfur Afrikaan ah. Marxuumka la dilay waxaa lagu Magacaabi jiray Daahir Carte, isagoo ahaa Ganacsi Caan ka ahaa East london ee Gobolka Eastern Cape. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Gobolka Eastern Cape ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, waxaana ay halkaas ka sameeyeen howlgal ay ku raadinayaan ragii burcada ahaa ee dilka geystay, inkastoo aan weli gacanta lagu dhigin. Dhinaca kale Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cumar Axmed Dhiblaawe ayaa isna xalay waxaa rag hubeysan oo burcad ah ay ku dhaawaceen degaanka Devitown ee hoostega Magaalada Johannesburg. PUNTLAND POST The post Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay koonfur Afrika appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites