Sign in to follow this  
Deeq A.

Matalaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ma loo maray sifo sharci ah?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyo oo ka soo jeeda Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo degaano kale ayaa ka horyimid habkii loo maray ansixintii matalaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Xildhibaanadan oo tiradooda ku sheegay in ka badan 70 mudane, islamarkaana ay ku jiraan Wasiiro ayaa xusay in haddii la rabo in la kardhiyo kuraasta Aqalka Sare ee 54 ah loo maro hab Dastuuri ah.

Xidlibaanada oo la magac baxay Kutlada sharci dhawr ayaa tilmaamay in haddii lagu daro kuraas Aqalka Sare, iyadoo aan loo marin habraaca ku xusan Dastuurka, gaar ahaan qodobbada 132-aad, 133-aad, 134-aad iyo 79-aad, in kordhintaasi baal-marsan tahay Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayna noqonayso wax aan sharci ahayn.

Xildhibaanada  ayaa sheegay in aysan diidanayn matalaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, balse loo maray sifo sharci darro ah oo Guddoonka Golaha Shacabka dano gaar ah ka leeyahay.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka xildhibaanada

x1.jpg?w=1000&ssl=1 x2.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Matalaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ma loo maray sifo sharci ah? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this