Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu u baaqday kulankii Golaha Aqalka Sare ee BF Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulankii xildhibaanada Aqalka Sare ayaa maana baaqday, kadib markii ay soo xaadiri waayeen Senatorada ka soo horjeeda guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku xigeenkiisa koowaad.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxtooyadda Soomaaliya ay khilaaf ka dhex wado Aqalka Sare, islamarkaana kulanka maanta baaqday ay ka dambeysay, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen madaxweynaha Soomaaliya inuu sii hurinayo Khilaafka ka dhex taagan Golahaasi.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay uu sii xoogeysanayey khilaafka u dhexeeya Senatorada Aqalka Sare, kaas oo soo shaac-baxay, kadib furitaankii kalfadhiga 7-aad ee labada Aqal oo ah kii ugu dambeeyey e baarlamaanka Soomaaliya

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this