Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in goor dhow askar ka tirsanaa ciidamada dowladda ay ku dileen gudaha magaalada Muqdisho.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, gaar ahaan agagaarka Masjidka Irshaad, iyadoona lagu toogtay labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa qaada canshuuraha ee Minishiibiyada.

Wararka ayaa sheegaya in labadaasi askari la toogtay, xilli ay ku jireen goob lagu gooyo boonada gaadiidka Carro-gediska loo yaqaano.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen falka kadib.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa markii dambe gaaray goobta, kuwaas oo meydadka askarta ka soo qaaday halkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga iyo maamulka degmada Kaaraan oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah askarta dowladda ka fulisa caasimada, inkastoo illaa iyo hadda aysan ka hadlin falkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this