Deeq A. Posted June 27, 2020 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal goor dhow dib uga qarxay deegaanka Qalanqalle ee gobolka Galgaduud, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed. Dagaalkan ayaa lagu soo warramayaa inuu daba socdo midkii shalay ka dhacay deegaanka Xananbuure, kaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad illaa 10 ruux. Dadka ku dhintay dagaalkaasi ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah wasiirkii hore ee shaqada iyo shaqaalaha Galmudug Daahir Shidane Cabdi oo dhaawac soo gaaray u geeriyooday. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socda halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites