Sign in to follow this  
Deeq A.

Goobo ay ku sugnaayeen Shabaab oo ‘la burburiyey’, lagana soo furtay saanad ciidan

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka ay ka sameeyeen Sh/Hoose.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyey ciidamada sida gaarka ah tababaran ee Kumaandooska Danab iyo kuwa Gorgor oo is-kaashanaya.

Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda oo ka warbixiyey howl-galladaasi ayaa sheegay in si gaar ah uga sameeyeen deegaanada Shaam, Yuumbis Nuur-Gare, Buulo-Bashiir, Mubaarak iyo Toora-Tooroow oo dhammaan ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay burburiyeen goobo kala duwan oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanadaasi, kadibna ay ka soo furteen saanad ciidan.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo la xariira dhaq-dhaqaaqyadaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howlgallada milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this