Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta ka doodaya arrimo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku leh xaruntooda magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa xildhibaanadu ay ku dhameystiri doonaan xeerka matalaada gobolka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen.

Sida qorshuhu yahay xildhibaanada ayaa cod u qaadi doono xeerkaas oo qeexaya matalaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa maanta in baarlamaanka ay hortagto guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey).

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa shaacin doonto xilliga rasmiga ah ee ay dhici doonto doorashada la filayo in la qabto dhammaadka sanadkan 2020 illaa 2021-ka.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay u badan tahay inay cudur daarato, maadaama aysan weli dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada aysan isaga imaan arrimaha doorashooyinka.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, iyadoo lagu guda jiro marxalad kala guur ah, welina ma cada nooca doorasho ee ka dhaceyso dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this