Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Galmudug oo ka wada-hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo faah-faahiyey kulan uu la qaatay madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay inay ka wada shaqeyn doonaan amniga Gaalkacyo.

Deni ayaa sheegay in labada maamul ay yeelan doonaan iskaashi weyn oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Galmudug ay kala shaqeyn doonaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay ku sugan yihiin ee maamulkaasi.

Ugu dambeyn madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa xusay in amniga Gaalkacyo laga sameeyay horumar weyn, tan iyo markii laga bilaabay howlgal uu garwadeen ka yahay wasiirka amniga Galmudug, Mudane  Axmed Macalin Fiqi.

Ciidamada Galmudug iyo Puntland ayaa maalmihii dambe howlgallo ay ka sameeyeen Gaalkacyo ku soo qab-qabtay in ka badan 20 ruux oo lala xiriirinayo Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this