Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo hambalyo u diray shacabka iyo dowladda Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland ayaa shacabka iyo dowladda Jabuuti ugu hambalyeeyey 43-guurada ka soo wareegtay maalintii ay gobonimada qaateen.

Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacabka Somaliland wuxuu dhambaal hambalyo ah u diray dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay ku beegan tahay xuska sannad guurada 43-aad ee ka soo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay waddanka Faransiiska 27-kii bishii lixaad (June) sanadkii 1977-kii.

Sidoo kale madaxweynaha Somaliland waxaa uu ku booriyey shacab-weynaha iyo dowladda dalka Jabuuti xuska sanad-guurada xorriyadooda oo ay u dabaaldegayaan, isaga oo u rajeeyey inay ku gaaraan sanadkaa kiisa kale horumar, bash-bash iyo barwaaqo.

“Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo dowladda Jabuuti xornimada iyo horumarka 43-tan jirsaday ee ay u dabaal-degayaan, waxanu u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada maamulka Somaliland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this