Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor-Qoor oo wacad ku maray inuu Al-Shabaab ka saarayo gobolka MUDUG

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo warbaahinta ugu warramayey magaalada Gaalkacyo ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Qoor-Qoor ayaa sheegay in Galmudug iyo Puntland ay iska kaashan doonaan arrimaha amniga, isaga oo xusay in wax fursad ah aysan sii doonin ururada argagixisada ah.

Sidoo kale wuxuu wacad ku maray in ciidamada ay howlgallo wadaji ka bilaabi doonaan gobolka, wuxuuna wacad ku maray dhammaan  gobolkaasi laga saarayo Al-Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa suu wata ayaa intaasi ku daray in kooxdaasi oo sii hurineyso dagaal beeleedyada ay dhibaato xoogan ka wado gobolka.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland ay kulan xasaasi ah ku yeesheen waqooyiga Gaalkacyo, iyaga oo isku afgartay xoojinta amniga labada maamul oo loo hirgelin doono si ficil ah.

Al-Shabaab ayaa weli heysata deegaano iyo degmooyin ka tirsan Mudug, waxaana sidoo kale weeraro iyo dilal qorsheysan ay ka fulisaa deegaano hoosta Galmudug iyo Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this