Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaliimo Yarey oo Berri Ku Dhawaaqi-doonta Waqtiga Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib dib u dhac horay ugu yimid ku dhawaaqista waqtiga doorashada ayey mar kale berri oo sabti ah u balansan yihiin guddiga madaxbannaan ee doorashada si ay ugu cayimaan maalinta la aadayo doorashada 2020/2021.

Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Xaliimo Yarey oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada u qabtey iney ku hortimaado 27-ka oo ku beegan berri subax, iyada oo la doonayo ku dhawaaqista waqtiga doorashada 2020/2021.

Guddiga doorashada waxaa ay heyseen 5 sano, waxaa u haray hal sano iyaga oo dhici-doona July 2021-ka, kahor waa iney qabtaan doorasho qof iyo cod ah, waana shaqada loo abuuray.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this