Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Saciid Deni iyo Qoor Qoor iyo oo heshiis gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Kulanka Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Puntland Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Siciid Cabdulllaahi Dani ayaa maanta ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in iskaashi ay labada Maamul ka wada yeeshaan xoojinta Amniga, dib u heshiisinta iyo Siyaasadda.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana shirka diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeyn dhex marta labada dhinac iyo inay hal meel uga soo wada jeestaan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynayaasha labada dowlad gobaleed Siciid Cabdullaahi Dani iyo Axmed Cabdi Kaariye oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulankooda uu ku soo dhamaaday is afgarad ku aadan in labada dowlad gobaleed ay ka wada shaqeeyaan Amniga iyo iskaashi dhex mara labada Maamul, iyagoo dhinaca kalana hambalyo ku aadan 60 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay xoreebeen Goballada Waqooyi ee dalka u diray Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxay wadajir u bogaadiyeen iskaashiga labada dhinac , iyadoo ay jiri doonaan guddiyo kasii shaqeeya qodobada lagu heshiiyey si ficil loogu bedelo.

Labada Madaxweyne oo Warbaahibta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin heshiis wadashaqeyneyd oo ay wada gaareen,isla markaana la fulin doono waxyaabaha lagu heshiiyay.

106098197_943559046057616_87746604505474 74673167_943559089390945_434649141780097 106014908_943559142724273_14247727993417 73206239_943559199390934_780035627472547 106203383_943559306057590_23422440769123 106062112_943559426057578_51989209341277 106113563_943559896057531_64137518963408 106048973_943478789398975_83517887502425 106526713_943478799398974_57460381860719 105693049_943478999398954_28372304116713 105708831_943478682732319_71611261379768 105932248_943478942732293_25444675263949 105690948_943479009398953_23752601457887 105645898_943479082732279_97975858012940

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this