Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulanka Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Puntland Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Siciid Cabdulllaahi Dani oo ujeedkiisu ahaa in iskaashi ay labada Maamul ka wada yeeshaan xoojinta Amniga  dib u heshiisinta iyo Siyaasadda ayaa maanta ku qabsoomay magaalada Galkaacyo xarunta Gobalka Mudug.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana shirka diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeyn dhex marta labada dhinac iyo inay hal meel uga soo wada jeestaan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynayaasha labada dowlad gobaleed Siciid Cabdullaahi Dani iyo Axmed Cabdi Kaariye oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulankooda uu ku soo dhamaaday is afgarad ku aadan in labada dowlad gobaleed ay ka wada shaqeeyaan Amniga iyo iskaashi dhex mara labada Maamul, iyagoo dhinaca kalana hambalyo ku aadan 60 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay xoreebeen Goballada Waqooyi ee dalka u diray Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.Image may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: one or more people and people sitting

Image may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 3 people, people sitting4cc32894-49ad-4296-a5a6-012adf8248e7.jpg 6a30dcc9-a978-4c2f-8290-5e1ccdfe2398.jpg 30b3b86a-6a8d-435f-a9e2-87a4134a4e33.jpg Image may contain: 1 person, sitting

Image may contain: 3 people, people sitting73b5604d-4b23-47c0-8d22-e11fe549a91f.jpg Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this