Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynayaasha Puntland & Galmudug oo ku kulmay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug, Siciid C/laahi Maxamed (Deni) iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta ku kulmay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Labada madaxweyne oo kulan xasaasi ah yeeshay ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, dib u heshiisiinta iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale waxa ay shaaciyeen Deni iyo Qoor-Qoor oo si wadajir ah ula hadlay warbaahinta inay jiri doonaan guddiyo isku dhaf ah oo ka shaqeyn doona amniga.

Puntland iyo Galmudug oo daris ah ayaa marar badan ka arrinsaday xaaladda gobolka Mudug, si looga hortago colaad beeleedyo ka taagan deegaanada gobolkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this