Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaraha ka dhashay dagaal maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Badhan

Recommended Posts

Deeq A.   
  • Marxuum-Libaaxe.jpg?w=1000&ssl=1Marxuum Maxamuud Maxamed Saalax Shire (Libaaxo)

Hal askari oo ka tirsan dhinacyadii dagaallamay ayaa ku dhintay dagaal maanta oo Jimce ah Ciidamo ka wada tirsan Puntland ku dhex maray gudaha Garoonka Diyaaradaha Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Marxuumka dhintay oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Saalax Shire (Libaaxo) ayaa la sheegay in uu Gaaneri u ahaa Ciidan ka amar qaata Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ee ku sugan Airport-ka Magaalada Badhan.

Dagaalka oo aan weli la xaqiijin waxa dhaliyay ayaa dhexmaray laba ciidan oo ku wada sugan Airport-ka Degmada Badhan kuwaas oo mid kood ka amar qaato Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil halka Ciidanka kale uu ka amar qaato Taliyaha Turobataariyada Gobolka Sanaag Col. Cintile.

Goob-joogayaal ku sugan gudaha Badhan ayaa ku soo warramaya in labada Ciidan uu dagaal toos ah ku dhexmaray gudaha Garoonka Diyaaradaha Badhan balse markii dambe lagu guulaystay in la kala qaado.

PUNTLAND POST

The post Khasaraha ka dhashay dagaal maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Badhan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this