Deeq A. Posted June 26, 2020 Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa maanta kulankii u horreeyay ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Kulanka labada dhinac uu yahay Shir iskaashi oo u dhexeeya Puntland iyo Galmudug, kaasi oo looga hadlayo arrimaha labad maamul. Shirka waxaa ka qayb-galaya xubno ka socda Goleyaasha Puntland iyo Galmudug, Xildhibaano Aqalka Sare ah iyo La taliyeyaal, waxaa looga hadlaya Arrimaha Amniga, dib u heshiisiinta, xoojinta siyaasadda, Nabadda iyo dhaqaalaha. “Shirka oo ay ka qeybgalayaan Xubno ka socda Goleyaasha Dowladda ee Puntland iyo Galmudug, Xildhibaano Aqalka Sare ah iyo La taliyeyaal, waxaa looga hadlay kulanka Amniga, dib u heshiisiinta, xoojinta siyaasadda, nabadda iyo dhaqaalaha” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland. Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland oo shalay gaaray Magaalada Gaalkacyo, ayaa tan iyo xalay kulamo kala duwan la qaadanayay Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Degmada Gaalkacyo. Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa, in uu dhowaan magacaabo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug, kadib markii Guddoomiyihii hore qarax lagu dilay bishii tagtay ee May. Wararku waxay sheegayaan, in Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug loo magacaabayo Ex. Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ay walaalo yihiin Guddoomiyihii dhintay AUN Axmed Muuse Nuur. PUNTLAND POST The post Maxay ka wada-hadlayaan Deni iyo Qoor Qoor? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites