Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey Puntland oo ciidamo ay tababar usoo xirtay ku daabushay gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) – Maamulka Puntland ayaa ciidamo dhawaan tababar loogu soo xiray magaalada Qardho ee gobolka Karkaar ku daabushay Gobolka Sool halkaas oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland.

Ciidamadaan oo ku hubeysan qoryaha culus iyo kuwa fudud isla markaasna wato baaburta dagaalka ayaa ku biiray ciidamadii Puntland ee horey ugu sugnaa jiidda dagaalka.

Tallaabada ay qaaday Puntland ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan Wasiirada warfaafinta ee Puntland iyo Somaliland ay hawada isku mariyeen hanjabaad iyo hadalo colaadeed.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Koore ayaa sheegay inay iska difaaci doonaan daan-daansi kasta oo uga yimaada maamulka Puntland, xili ay ka dhex aloosan-tahay xiisad xoogan oo mararka qaar horseeda dagaal dhex-mara ciidamada kala taabacsan labada dhinac.

Wasiir Koore ayaa sidoo kale hadalo qalafsan oo aflagaado u muuqday u adeegsaday madaxweynaha Puntland, taasi oo uu ka jawaab celiyay Wasiirka dhigiisa ah ee maamulka Puntland.

Cabdilaahi Timacade, Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa isagoo daba socda hadalka Wasiir Koore luuqad adag ugu soo jawaabay xukuumada Muuse Biixi.

Wasiir Cabdilaahi Timacade ayaa ku hanjabay inuu dhiig daadan doono, haddii ay Somaliland iskaga bixi weydo dhul xuduudkeeda ay ku muransan yihiin labada dhinac, kaasi oo uu sheegay inuu yahay dhul ka tirsan maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa Saleebaan Koore ku tilmaamay nin maqaar saar ah oo dhulkiisa uu ku matalo xukuumada Somaliland lagu guumeysto, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan rabaa inaan u sheego Saleeban in dhulka madaxweyne Deni ka hadlay uu yahay Puntland haddii ay Somaliland iskaaga bixi weydaana uu dhig ku dadaan doono” ayuu yiri Wasiir Cabdilaahi Timacade.

Tan iyo waqtigaas weli xiisadaha gobolka Sool ma degin, waxaana ciidamadu isku horfadhiyaan goobahoodii.

2020625637286969817698920.jpg 2020625637286970851871251.jpg 2020625637286970655077563.jpg 2020625637286970434364338.jpg 2020625637286970113828995-1.jpg 2020625637286970113828995.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this