Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo si adag uga hadlay isku socodka Soomaaliya & Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa munaasabadda 26-ka June oo xalay lagu xusayay markii gobollada waqooyi ay ka xuroobeen gumeystihii Ingariiska mar uu khudbad ka jeedinayey ayaa ka waxa uu ka dhawaajiyay in la aan aqbali karin is-dhexgalka dhanka siyaasadda Somaliland iyo Soomaaliya.
Muuse Biixi ayaa xusay in u caadi yahay horayna ay soo jiray is dhexgalka bulshada labada dhinac, sida isu socodka iyo is-dhaafsiga baayac-mushtarka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ay dambi tahay in qof siyaasi ah inta uu ka tago Somaliland uu tago gudaha Soomaaliya, islamarkaasina uusan ka qeybgali karin kulan siyaasadeed ama doorasho.
Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa dhawaan wada-hadal ku dhexmaray dalka Jabuuti, balse durba waxaa soo if-baxaya in madaxda ay hadlo agdag  isu marinayaan dhanka warbaahinta, kaasi oo wada-hadalada iyo dadaallada socda ku keeni kara in ay markale kala boodaan labada dhinac.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this