Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni iyo Qoor Qoor oo la filayo inay ku kulmaan Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo ( Caasimadda Online)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo  Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa xalay ay ku wada hoydeen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyada oo la filayo inay wada kulmaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa la hadal haayay in labada Madaxweyne ay wada kulmi doonaan,iyaga oo ka wada hadli doona arrimo muhiim.

Qodobada ugu muhiimsan oo ay labada Madaxweyne ka wada hadli doonaan ayaa waxaa kamid ah Amniga Magaalada Gaalkacyo, la dagaalanka Al-Shabaab iyo iskaashi la xiriira ka hortegida Colaad Beeleedyada ka dhaca degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Amniga Magaalada Gaalkacyo ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo mas’uuliyiinta Maamulada Galmudug iyo Puntland ay la kulmi doonaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Puntland iyo Galmudug oo deris ah ayaa u bilaabanaya xiriir cusub oo wada shaqeyn ah, kaddib markii Galmudug ay gashay is bedel cusub.

Wixii kusoo kordha waxaad ku akhrisan doontaan wararkeena dambe Inshaa Allah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this