Deeq A. Posted June 26, 2020 Gaalkacyo ( Caasimadda Online)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa xalay ay ku wada hoydeen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyada oo la filayo inay wada kulmaan. Maalmihii la soo dhaafay ayaa la hadal haayay in labada Madaxweyne ay wada kulmi doonaan,iyaga oo ka wada hadli doona arrimo muhiim. Qodobada ugu muhiimsan oo ay labada Madaxweyne ka wada hadli doonaan ayaa waxaa kamid ah Amniga Magaalada Gaalkacyo, la dagaalanka Al-Shabaab iyo iskaashi la xiriira ka hortegida Colaad Beeleedyada ka dhaca degaano ka tirsan Gobolka Mudug. Amniga Magaalada Gaalkacyo ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo mas’uuliyiinta Maamulada Galmudug iyo Puntland ay la kulmi doonaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Gaalkacyo. Maamulka Puntland iyo Galmudug oo deris ah ayaa u bilaabanaya xiriir cusub oo wada shaqeyn ah, kaddib markii Galmudug ay gashay is bedel cusub. Wixii kusoo kordha waxaad ku akhrisan doontaan wararkeena dambe Inshaa Allah Share this post Link to post Share on other sites