Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo muxuu kaga hadlay Khudbaddiisi Munaasabadda 26-ka June?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa si qoto-dheer u soo bandhigay muhiimadda maalinta 26-ka Juun maadaama ay ahayd ilayskii koowaad ee halgankii xornimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dib u milicsadaan sooyaalka wanaagsan ee dalkeenna, isaga oo walaalaha Waqooyiga ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambayduna ay ku maamuusayso heesta Calanka ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka.

Halkaan ka daawo Muuqaalka iyo Sawirada

  • 11-1.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 10.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 8.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 7-1.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 6-3.jpg?fit=1000%2C708&ssl=1
  • 5-6.jpg?fit=1000%2C650&ssl=1
  • 3-10.jpg?fit=1000%2C663&ssl=1
  • 2-16.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo muxuu kaga hadlay Khudbaddiisi Munaasabadda 26-ka June? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this