Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo fagaare gacmahooda midig uga jaray Cali Xuseen iyo Cabdi Cabdulle

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Ururka Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud waxay galabta gacmahooda Midigta ah uga jareen laba wiil oo dhalinyaro ah.

Labada wiil ee xukunka gacan gooyada ah ay ku fuliyeen Al-Shabaab ayaa lagu kala magacaabaa Cali Xuseen Jimcaale oo 24-sano jir ah iyo Cabdi Cabdulle Axmed oo 26-sano jir ah.

Nin sheegtay qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Galguduud ayaa dadkii la isugu keenay fagaaraha ay xukun kula fuliyeen dhalinyaradaas ka hor sheegay in loo heysto, fal xatooyo ah oo ay ku kaceen, kadib markii ay jabsadeen dukaan ku yaalla deegaanka hoos taga Ceelbuur oo lagu magacaabo Galcad.

Al-Shabaab ayaa sheegay in dhalinyaradaas ay dukaanka kala baxeen 9,730 kun shilin Soomaali ah (Sagaal malyan todoba boqol iyo sodon kun), taas oo u dhiganta 389 dollar.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay dhalinyaradaas inay dukaanka kala baxeen laba macawiisood, kuwaas oo lagu qiimeeyay mid 20 dollar, kuwaas oo markii la isku daro noqonaya 40 dollar.

Toddobaadkii tegay ayaa Al-Shabaab waxa ay deegaanka Galhareeri oo hoos taga degmada Ceelbuur waxay fagaare ku yaalla ka fuliyeen laba xukun maalin gudaheed, kuwaas oo isugu jiray dil iyo jeedal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this