Sign in to follow this  
Deeq A.

DANAB oo dishay Ashraf Abu Hamdan, amiirkii u dhashay dalka Nepal

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha guutada 16-aad ee ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa faahfaain ka bixiyey howlgallo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Taliyaha oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in howlaglladaas ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa tababarayaasha sare ee Al-Shabaab, kaas oo u dhashay dalka Nepal ee ku yaalla qaaradda ASIA.

Saraalkaas waxaa magaciisa lagu sheegay Ashraf Azmi Abu Hamdan, waxaana lala dilay seddax dagaalame oo ilaalo u ahaa, sida uu sheegay sarkaalkan u hadlay Danab.

Taliyaha ayaa sheegay in deegaanada ay howlgalladaas ka fuliyeen ay kala yihiin Buur-gaduud, Waabo, Salagle iyo Duqay oo dhamaantood hoos taga degmada Saakoow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Sidoo kale Taliye Ismaaciil oo sii hadlayey waxa uu sheegay in u jeedka howlgalkoodu uu ahaa inay beegsadaan saraakiisha sare ee Al-Shabaab, ayna sii wadi doonaan howlgallada nuucaan oo kale ah.

Arbacadii shalay ayey aheyd markii ciidamada Dana bee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanada kala ah Xawaaljiri, Bernasey, Yaaqbishaar iyo Cusbo, oo hoos taga degmooyinka Kismaayo iyo Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo dhamaantood ay horay u maamulayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale howlgalkaas saraakiishii hoggaamineysay ee Danab waxa ay sheegeen inay ku dileen illa lix dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this