Sign in to follow this  
Deeq A.

Safaaradda Maraykanka Ee Soomaaliya Oo Beenisay In La Beddelay Ambassador Donald Yamamoto

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa beenisay in la beddelay Ambassador Donald Yamamoto. Af-hayeen u hadlay safaaradda ayaa VOA u sheegay in Ambassador Yamamoto uu weli yahay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.

“Wixii su’aalo ah ee ku saabsan safiir la magacaabayo mustaqbalka waxaa ka jawaabi kara Aqalka Cad,” ayuu yidhi af-hayeenku.

Safiirrada Maraykanka waxaa magacaaba Aqalka Cad, waxaana ansixiya Aqalka Sare ee Koongareeska ee Senate-ka, waana hawl qaadan karta dhowr bilood.

Safiirradu waxay ku shaqeeyaan rabitaanka Madaxweynaha, taariikh ahaanna waxay caadiyan xilka hayaan 2-4 sanno.

Ambassador Yamamoto waxa uu muddo dheer ahaa shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, waana sarkaalka shaqaynayey muddada ugu dheer, bishii May ee aynu soo dhaafnay ayey u buuxsantay 40 sanno oo uu soo ahaa shaqaalaha arrimaha dibedda.

Inkastoo uu yahay sarkaalka shaqaynayey muddada ugu dheer, haddana waxa uu marayaa meertada is-bedbeddellada muddo xileedka taasi oo u baahan inuu Madaxweynuhu magacaabista sameeyo, kadibna Senate-ku ay ansixiyaan.

Illaa haatan cidna looma magacaabin inuu beddelo Ambassador Yamamoto, waxana uu sii wadanayaa shaqadiisa inta taasi laga gaadhayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this