Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac gaystay oo ka dhacay Dangoroyo

Recommended Posts

Deeq A.   
1-22.jpg?w=1000&ssl=1Sawirka labada gaari ee shilka galay

Wararka ka imaanaya degmada Dangoroyo oo qiyaastii 120km dhanka bari kaga beegan caasimadda Garoowe ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta halkaas uu ka dhacay shil khasaare dhimasho iyo dhaawac gaystay.

Goob-joogayaal ayaa soo sheegaya in gaari xamuul ah oo ka yimid dhinaca Garoowe uu dusha ka maray gaari nooca Raaxad ah oo ka yimid dhinaca Boosaaso waxaana shilku ka dhacay dalcad qiyaastii 5km dhanka Garoowe ka soo xigtay degmada Dangoroyo.

Gaariga Raaxad ah waxaa saarnaa saddex ruux oo laba goobta ku dhimatay halka dhaawac qofkii saddexaadna loo qaaday isbitaalka magaalada Garoowe oo hataan lagu dabiibayo. Labada ruux ee dhintay midkood ayaa isna weli gaariga ku hoos jira sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Taraafikada gobolka Nugaal.

Sawir goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya gaariga xamuulka ah oo ku taagan gaariga yare ee Raaxad ah waxaana burbur xooggan ka muuqdaa gaariga yar oo daasad noqday balse ma jiro wax khasaare ah oo gaaray dadka saaran gaariga xamuulka ah.

PUNTLAND POST

The post Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac gaystay oo ka dhacay Dangoroyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this