Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Eritrea Oo Socdaal Ku Tagay Sudan, Xili Xiisadi Ka Aloosan Tahay Gobolkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

 (SLT-Khartoum)-Madaxweynaha dalka Eritrea Asaias Afeworki ayaa socdaal ku tagay dalka Sudan maanta oo Khamiis ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dalka Sudan.

EbWQSbrXsAAkc81.jpg?resize=500%2C383

Socdaalka Madaxweynaha Eritrea oo la sheegay inuu qaadan doono saddex maalmood ayaa waxa uu durtaba kulan la yeeshay Lieutenant General Abdul Fattah Al-Burhan, oo ah guddoomiyaha Golaha Sare ee hoggaamiya dalka Sudan iyo ku xigeenkiisa Lieutenant General Mohammed Hamdan Daqlo oo isaga laftiisu safar shaqo oo saddex maalmood qaatay kaga soo laabtay dalka Ethiopia todobaadkii la soo dhaafay.

EbV8KwyXkAApxhY.jpg?resize=516%2C373

Kulanka labada hoggaamiye ee dalalka Eritrea iyo Sudan ay yeesheen ayaa diirada lagu saaray xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal iyo wadashaqaynta ay leeyihiin.

EbWQYLRWoAAIRrs.jpg?resize=521%2C348

Hase yeeshee, xiisada xiligan ka aloosan gobolka ee ku saabsan Biyo-xidheenka dalka Ethiopia uu dhisay ee Ethiopian Grand Renaissance Dam (GERD) ee u dhaxaysa dalka Ethiopia, Masar iyo Sudan ayaa la filayaa inay abuurtay socdaalka Madaxweynaha dalka Eritrea uu ku tagay dalka Sudan, isla markaana Ajandaha ay labada hoggaamiye ay ka wadahadlayaan ay ku jirto arinta khilaafkaasi biyaha Wabiga Nile-ka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this