Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka wada gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ururka 39-aad qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Dhamme Maxamed Ibraahim Daa’uud ayaa sheegay inay wadaan howlgallo ballaaran oo lagu sugayo amniga deegaanada hoos-taga gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Daa’uud ayaa xusay in y howlgallo ka fuliyeen deeegaanka Jawiil, islamarkaana uu ujeedkiisu ahaa in la soo qabto kooxo falal amni daro ah ka geystay halkaasi.

Maxkamadda ciidanka ee qeybtaas ayaa dhowaan amar ku siisay saraakiisha ciidanka in ay soo qabtaan dadka ku howlan waxyeeleynta shacabka isticmaala inta u dhexeysa Beledweyne iyo deegaanka Jawiil.

Ugu dambeyn taliye ku xigeenka guutada 5-aad ee qeybta 27-aad Korneyl Maxamed Cabdi Xasan ayaa sheegay in ciidanku u taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed wixii dhibaato ku hayana ay gacan bir ah ku qaban doonaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this