Deeq A. Posted June 25, 2020 Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta oo Khamiis ah shir guddoomiyay Kulanka golaha wasiirada maamulkaas oo ka qabsoomay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug oo looga warbixiyay kulanka ayaa lagu sheegay in looga hadlay Amniga gudaha Galmudug iyo Arrimaha dowladaha hoose. Sidoo kale waxa qoraalka lagu xusay in kulankaas looga hadlay dekedaha iyo kalluumaysiga iyo arrimaha boostada iyo isgaarsiinta Galmudug. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay Shirkii golaha wasiirada Galmudug? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites