Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlay Shirkii golaha wasiirada Galmudug?

Recommended Posts

Deeq A.   
Galmudug.jpg?w=1000&ssl=1

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta oo Khamiis ah shir guddoomiyay Kulanka golaha wasiirada maamulkaas oo ka qabsoomay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug oo looga warbixiyay kulanka ayaa lagu sheegay in looga hadlay Amniga gudaha Galmudug iyo Arrimaha dowladaha hoose.

Sidoo kale waxa qoraalka lagu xusay in kulankaas looga hadlay dekedaha iyo kalluumaysiga iyo arrimaha boostada iyo isgaarsiinta Galmudug.

PUNTLAND POST

The post Maxaa looga hadlay Shirkii golaha wasiirada Galmudug? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this