Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi ka socda DDSI oo Beledweyne kula kulmay maamulka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi ka socda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo gaaray Beledweyne ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyaha Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, wasiirka madaxtooyada Hirshabelle Cabdullahi Maxamed Cadow, wasiirro kale oo Hirshabelle ka mid ah, saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka ka socday ayaa ballan qaaday in ay ka shaqeyn doonaan amniga, is-dhaxgalka iyo horumarka dadka degan dhulka dowlad deegaanka yo kuwa Hirshabelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan, ayna dhammeyn doonaan shaqaaqooyinka ka dhacay deegaanADA xuduuda gobolka Hiiraan uu la wadaago is-maamulka Soomaalida.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa mas’uuliyiinta labada dhinac waxa ay wadeen dadaallo nabadeed oo looga hortagayo xiisadaha colaadeed ee ka taagan halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this