Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga amniga & cadaaladda oo kalsoonida kala noqday guddiga doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Yuusuf Xasan Mursal oo ah guddoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay kalsoonidii kala noqdeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, islamarkaana ay joojiyeen wada shaqeyntii kala dhexeysay.

Guddoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda ayaa u sababeeyey go’aankooda in guddiga uu ku si foobay dhex-dhexaad la’aan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay beesha caalamka iyo dalalka daneeyo arrimaha Soomaaliya inay dib u eegis buuxda ku sameeyaan dhaqaalaha ay siiyaan guddiga doorashooyinka Qaranka, isagoo ku eedeeyey guddigaasi in lacagaha la siiyo ay ku bixiyaan dano gaar ah.

Ugu dambeyn dambeyn guddoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda Yuusuf Xasan Mursal ayaa waxaa uu sheegay in aan lagu kalsoonaan karin shaqada guddiga doorashooyinka, islamarkaana aan lagu aamini karin qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka qabtaan dalka dhammaadka sanadkan 2020 illaa sanadka xiga ee 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this