Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya nin walaakiis ku dilay degmada Kaaraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhacdo argagax leh ayaa saaka waxa ay ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolkaan Banaadir, kadib markii wiil dhalinyaro ahaa uu toorey ku dilay walaalkiis.

Falkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Siisii oo ka tirsan degmada Kaaraan, waxaana nin lagu magacaabo Xasan Nuur Ciroobe uu dilay walaalkiis ka yar oo lagu Magacaabi jiray Cabdinaasir Nuur Ciroobe.

Gurigooda hortooda ayey isku qabsadeen, waxaana Xasan Nuur Ciroobe uu sameeyay inuu la soo baxay toorey, kadibna uu la dhacay Allaha u naxariistee Marxuumka.

Illaa 10 mar ayaa la sheegay inuu jirkiisa galiyay tooreyda, kadibna halkaasi uu isaga cararay sida dadka deegaanka ay sheegeen, waxaana goobta ku geeriyooday marxuumka.

Ciidamada Booliska saldhiga degmada Kaaraan oo meesha tagay ayaa waayay gacan ku dhiiglaha oo baxsaday, waxaana socota baadi-goobka loogu jiro ninkaasi.

Lama garanayo sababta ay isku qabteen ee kaliftay inuu toorey la dhaco walaalkiis oo ugu dambeyn dhintay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this