Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Maraykanka oo shaacisey inaaney Ciidamada Soomaaliya lahayn Awood ciidan oo ay kaga adkaan karaan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawlada Maraykanka oo shaacisey inaaney Ciidamada Soomaaliya lahayn Awood ciidan oo ay kaga adkaan karaan Al-Shabaab

usa.jpg
Ciidammada Soomaaliya waxaa la sheegay in si weyn ay ugu tiirsan yihiin taageerada ay ka helaan dalalka shisheeyeImage caption: Ciidammada Soomaaliya waxaa la sheegay in si weyn ay ugu tiirsan yihiin taageerada ay ka helaan dalalka shisheeye

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in ciidammada Soomaaliya aysan laheyn awood ay Al Shabaab uga saari karaan deegaannada ay ku xooggan yihiin.

‘Dalku wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay tageerada ay siiyaan dalalka shisheeye gaar ahaan dadaallada ay geliyaan arrimaha amniga’ ayaa lagu yiri warbixin ku saabsan howlaha argagixisada sannadka 2019-ka ee uu Mareykanku soo saaray.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in ‘Al Shabaab’ uu dakhli kasoo galo dhoofinta dhuxusha iyo canshuurta ay qaadaan ganacsatada iyo shacabka’

Ururka Al Shabaab ayaa gacanta ku hayaa deegaanno badan oo ka tirsan dalka, waxay sidoo kale weeraro ka geysteen dalka Kenya

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this