Sign in to follow this  
Deeq A.

Walaac xoogan oo laga muujiyey inuu Al-Shabaab u gacan-galo hub loogu deeqay DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Korneyl Macow Cabdullaahi Cali oo ka mid ah saraakiishii hore ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in dalal badan oo uu ka mid yahay Mareykanka ay walaac xoogan ka muujiyeen in hub ay Masar ugu deeqday Soomaaliya u gacan-galo dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaalama dalka.

Sarkaalkan ayaa carabka ku dhuftay in hubkaasi oo ah mid culus  lagu soo galiyey suuq madow gudaha Soomaaliya,maadaama ay saaran tahay cunaqabateyn hubka ah.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in 2 qaab ay Al-Shabaab ku qabsan karaan hubkaasi, sida inay weerar ku qaadaan ciidanka, kadibna ay ka furtaan hubka ama inay ka iibsadaan suuqa madow, iyagoo ka faa’iideysanaya daruufta askariga Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka dhageyso ka dhageyso wareysiga.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Wareysi-Kornel-Macow-sarkaal-hore-oo-Nisa-ah.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this