Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Maareeye oo ka hadlay qabashada todobaadka xoriyadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  ayaa maanta shir jaraa’id oo uu kaga hadlaayey diyaargarowgii loo soo galay xuska todobaadka xoriyadda Soomaaliya ku qabtay xarunta Wasaaadda ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka,oo ka hadlaayey diyaargarowga xusaska todobaadka xoriyadda, waxa uu caddeeyey in dabbaaldegyada sanadkaan ay yihiin kuwo loogu talagalay in dadka Soomaaliyeed lagu tuso waxqabadka dowladda ee sanadihii tagay iyo furitaanka mashruucyo dib u dhis ah oo laga hirgaliyay gudaha dalka.

Wasiir Maareeye, waxa uu qiray in sanadkaan uu yahaysanadkii soo kabashada dalka iyo dadka,sidaa daraadeedna lagu guuleystay horumarinta adeegyada bulshada,soo celinta amniga,helitaanka dugsiyo waxbarasho oo lacag la’an ah,soo celinta awooddii dhinaca arimaha dibadda iyo kuwo kale.

Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,waxa uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in si farxad leh ay uga qeybqaataan xuska munaasabadaha maalmaha xoriyadda,isagoo sidoo kale Madaxda Dowlad Goboleedyadana ku dhiirigaliyay in la weyneeyo xusaska todobaadka  xoriyadda.

Ugu dambeyntii Wasiirku,waxa uu hambalyo ku aadan xuska munaasabadaha maalmaha xoriyadda aawadeed,u diray guud ahaan Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this