Deeq A. Posted June 25, 2020 Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goor dhow dagaal xoogan uu ka qarxay qeybo ka mid ah degmada Buulo-Burte ee gobolkaasi. Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay inuu u dhexeeyo ciidamo taabacsan guddoomiyaha degmada Bulo-Burte iyo kuwa saldhigga Booliska ee degmadaasi. Wariyaha Shabelle ee Beledweyne, Cabdiwaaxid Maxamed Aadan ayaa soo sheegaya in dagaalka uu weli socda, islamarkaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaaasi iyo sidoo kale waxa uu salka ku hayo. Wixii soo kordho kala soco: Radioshabelle.com View the full article Share this post Link to post Share on other sites